Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Kooxaha dembilayaasha oo weerar ku haya booliska dalkan

La daabacay måndag 30 oktober 2017 kl 10.18
Sven Granath:"Waxeey rabaan in ay baqdin ku abuuraan bulshada"
(1:37 min)
Sbuucyadii ugu dambeeyay ayaa dhowr goob oo boolisku saldhig ku leeyahay waddanka weerar lagu soo qaadaay.
Sbuucyadii ugu dambeeyay ayaa dhowr goob oo boolisku saldhig ku leeyahay waddanka weerar lagu soo qaadaay. sawir: Johan Nilsson/TT

Sannadkan gudahiis keliya ayaa shan jeer la weeraray dad boolis ah iyo goobaha ay saldhiga ku leeyahiin.

Sabtidii ina soo dhaaftay ayaa guriga nin boolis ah iyo reerkiisi rasaas lagu furay iyago hurda. Hasayeeshe Sven Granath oo culuunta dembiyada ku takhasuusay ayaa sheegey in aaney jirin cilmibaadhis caddeynaysa in ay kordheen weeraradan.

Usbuucyadii ugu dambeeyay ayaa dhowr goob oo boolisku saldhig ku leeyahay waddanka weerar lagu soo qaadaay. Tusaale ahaan laba todobaad ka hor ayaa la qarxiyay irrida booliska magaalada Helsingborg.

Sven Granath ayaa u jeeda in ay weeraradani xidhiidh la leeyahiin in booliska dalku horumar ka gaadheen ka hor taga kooxaha dembilayasha. Arrinkan ayaa cadho iyo xanaaq ku dhaliyay kooxahahan oo weeraradan u sameeynayaa si ay booliska uga aargoostaan. Ta kale, ayuu sheegay Granath, in ay hub haysashada kooxahani kor u kacday.

Markii saaka Sven Granath oo culuunta dembiyada ku takhasuusay barnaamijka P1 morgon lagu weeyadiiyay natiijada ay kooxahani doonayaan in ay weeraradan ka gaadhaan, ayuu yidhi:

-Waxeey rabaan in ay welwel iyo baqdin ku abuuraan bulshadda iyo nidaamka sharciga iyo caddaalada ka jirta waddanka.

Sannadka dambe ayey dawladda dalkan hogaamisa ku talo jirtaa in ciqaabka kor ugu qaadaan dadka gala dembiyada hubka sharci darrada ah. Hasayeeshe xisbiga mucaaradka ee Moderaterna ayaa ka soo hor jeeda hindisahan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".