Next Jet
Diyaad ka mid ah diyaaradaha Nextjet. sawir: Alik Keplicz / TT

Nin lagu tuhmey in uu diyaarad ku khalkhalgaliyey garoonka Gällivare

Ciidamada booliiska ayaa baaraya fal lagu tuhunsan yahay in uu ahaa mid la rabey in wax lagu yeelo diyaarad ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee Gällivare.

Warkaan oo uu soo wariyey wargeyska Aftonbladet ayaa lagu sheegey garoonka Gällivare iyo hawadiisaba duulimaadyada laga xayirey.

Falkaan la rabey in khalkhalka lagu galiyo diyaarad ey leedahay shirkadda Nextjet ayaa dhacey saacaddu markii ey aheyd 5.30 subaxnimo.

Johan Aittamaa oo ciidamada booliska ka tirsan ayaa sheegey in ninka falkaas looga shakiyey uu tagey goobtii diyaaraddaasi fadhidey ka dibna uu diyaaraddaas khalkhal galiyey balse Johan Aittamaa ma sheegin habka iyo nooca uu yahay khalkhalinta ninkaasi diyaaradda ku sameeyey.

Booliiska ayaa baaritaan arrinkaas ku haya waxaana la xirey duulimaadyadii garoonkaas ka dagi lahaa iyo kuwii ka duuli lahaa, waxaa kaloo la baajiyey duulimaadkii subaxnimo ee ey diyaaradda Nextjet ugu kala gooshi laheyd Gällivare iyo Kramfors.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".