Wariyayaal la xukumey ka dib markii ey wiil dalkan u soo tahriibiyeen

Maxkamadda rafcaanka ayaa maanta ku raacdey xukun hore oo ey maxkamad heer degmo ahi ku ridey saddex wariye oo iskaashi iyo wada shaqeyn la lahaa telefishinka SVT kuwaas lagu heley in ey wiil qaxooti ah dalkaan si sharci darro ah ku soo galiyeen.

Saddexdaan wariye ayaa lagu xukumey 75 saacadood oo ey ka shaqeyn doonaan shaqooyinka adeega bulshada.

Wariyayaashaan wada shaqeynta dhow la lahaa telefishinka SVT ayaa lagu heley in iyagoo dalal reer yurub ah soo dhexmarsiinaya ey dalkaan Sweden gudihiisa soo galiyeen wiil dhowr iyo toban jir ah oo qaxooti ah.

Maxkamadda rafcaanka ayaa war saxaafadeed ey arrinkaan ka soo saartey waxay ku sheegtey in hadalka wariyayaashaasi ku andacoodeen oo ah in ey wiilkaas sabab bani’aadanimo la xiriirta darteed dalkaan u soo galiyeen, eysan taasi aheyn marmarsiiyo wariyayaashaas ka cafinaya in xukun ugu dhaco falkaas danbi ee ey ku talaabsadeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".