Polis på platsen.
Gaari boliis. sawir: Johan Nilsson/TT

Nin dhintey ka dib markii nawaaxiga Nacka lagu toogtey

1:18 min

Nin 35 jir ah ayaa u dhintey dhaawac culus oo ka soo gaarey isxabadeyn habeenkii xaley ka dhacdey nawaaxiga Sicklaområdet.

Falkaan ayaa ciidamada booliiska waxaa la soo gaarsiiyey habeenkii xalay saacaddu markii ey aheyd sagaalkii fiidnimo ee habeenkii isniintu baxeysey.

Ciidamada booliiska ayaa goobtii ninkaas lagu toogtey waxay ka bilaaben baritaan ka dib markii ninkaas dhaawacmey isbitaalka loola cararey, wuxuuna dhaawicii soo gaarey u dhintey saacaddu markii ey aheyd 23.15 habeenimo, mana jiraan dad dhacdadaas lagu tuhunsan yahay oo loo qabtey walina waxaa socda baaritaanada falkaas ku saabsan.

Carina Skagerlind oo ah afhayeenka ciidamada booliiska Stockholm ayaa idaacadda P4 ee magaalada Stockholm u sheegtey sidan:

- Ciidamada booliisku markii ey goobtaas rasaastu ka dhacdey soo gaareen waxay ka heleen nin aad loo dhaawacey oo guryo aagaas ku yaala banaankooda yaal, ayey tiri Carina Skagerlind.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista