Xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen.
Xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen. sawir: Jessica Gow/TT

Xisbiyada S iyo M oo ku heshiin waayey xalka shaqo l ´aanta

1:00 min

Hogaamiyaasha xisbiyada Moderaterna, Ulf Kristersson iyo ka xisbiga S, ra´iisal wassaare Stefan Löfven ayaa xalay ku midoobi waayey sii loo xallin lahaa shaqo l´aanta dalkan ka jirta marka ay ka doodayeen TV4.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ayaa ahaa in:

  • Ra´iisal wassaare Stefan Löfven u jeedo in mushkulada ugu weeyn ee suuqa shaqada ka taagaan tahay in shaqooyinka jira loo heli karin dad xirfad u leh.
  • Dhanka kale ayuu hogaamiyaha xisbiga M sheegay in ay muhiim tahay in dadka waddanka ku cusub sida dhakhsada ugu badan shaqo u helaan. Sidaas daraadeed ayuu soo saaray hindisaha in ay kuwani dakhli hooseeya ku shaqeeyaan shaqada ugu horeeysa.
  • Kristersson ayaa u jeeda in dakhliga hooseeya yahay xalka keliya ee dadkan loogu soo galin lahaa suuqa shaqada.

Waa fikir aanu ra´iisal wassaare Stefan Löfven la qeeybsaneeyn hogaamiyaha xisbiga M ee Ulf Kristersson.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".