arka si qofku tuugadaas burcadda ah uga badbaado waa in uusan marna qof kale siin lambarkiisa sirta ah ee BankId-giisa.
arka si qofku tuugadaas burcadda ah uga badbaado waa in uusan marna qof kale siin lambarkiisa sirta ah ee BankId-giisa. sawir: Jessica Gow/TT

Hab cusub oo tuugadu ey ku dhacdo koontooyinka bangiyada

Ciidamada booliiska dalkan ayaa ka digaya dad tuuga xirfadeysan ah oo khayaana dadka bangiyada macaamilka la leh oo isticmaala BankID-ga.

Tuugadaan xirfadeysan ayaa dadkaas bangiga macaamiilka la leh waxay ka codsadaan in ey u sheegaan lambarka sirta ah ee ey bangigooda ku galaan markey BankId-ga isticmaalayaan.

Jan Olsson oo ka tirsan ciidamada booliiska ayaa sheegey in qofkii sameeya waxa ey dadkaas tuugada ahi ka dalbanayaan, wuxuu noqonayaa mid ey tuugadaasi lacagta ka dhacdo oo u gacangala, wuxuuna yiri :

- Haddii aad sameysid waxa ey tuugadaasi kaa dalbato, waxay burcaddaasi u dhaceysaa koontadaada kuwaas oo koontadaada kala bixi kara dhammaan lacagta kuugu jirta oo dhan, ayuu yiri Jan Olsson.

Dadkan tuugta ah ee xirfadeysan ayaa dadka ey rabaan in ey dhacaan waxay isaga dhigaan markey soo wacayaan in ey ciidamada booliiska ka socdaan amba ey bangi hebel ka socdaan.

Tuugtan ayaa marka ey wacayaan dadka bangiyada macaamiisha la leh waxay u sheegaan in qofka ey la hadlayaan uu khatar ugu jiro in bangigiisa la jabsado amba lacagta laga xado, marka si aan taas kaaga badbaadino,koontadaana "tuugada" uga xirno, noo sheeg lambarka aad bangigaaga ku gashid marka aad BankID-gaaga isticmaaleysid, taas oo haddii qofku siiyo lambarkiisa ey lacagta bangiga ugu jirta oo dhan ka xadayaan.

Marka si qofku tuugadaas burcadda ah uga badbaado waa in uusan marna qof kale siin lambarkiisa sirta ah ee BankId-giisa.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".