Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Nin 20 jir ah ayaa lagu tuhunsan yahay toogashaddii guri booliska.
Nin 20 jir ah ayaa lagu tuhunsan yahay toogashaddii guri booliska. sawir: Fredrik Sandberg/TT
Dhegeeyso
(1:22 min)

20 jir loo hayso weerarkii guriga booliska lagu qaaday

La daabacay onsdag 1 november 2017 kl 15.11

Nin 20 jir oo lagu tuhunsan yahay in uu ka danbeeyey weerarkii loo geestay guri nin boolis ah iyo qooskiisu degenaayeen, ayaa maanta la go´aamiyey in dacwad lagu soo oogi doono.

Birgitta Fernlund oo ah denbi oogaha kiisan gacanta ku haysa ayaa ka gaabsatay in ay warbaahinta u sheegto meesha baadhitaanka boolisku marayo. Balse waxa ay sheegaytay in ay jiraan arrimo keenay in xeer´ilaalintu go´aankan qaadato.

Ninkan waxa kale oo laga madnuucay in uu xidhiidh la yeesho dadka ama warbaahinta isticmaalo. Arrintan oo ay xeer´ilaaliyuhu ku macneeysay in lagaga hortegayo in uu qariyo cadeeyn.

Habeenkii sabtidii ayey ahayd markii rasaas lagu furay guri ay hurdeen nin booliska iyo qoyskiisa. Ugu yaraan 12 xabadood ayaa lagu toogtay albaabka guriga. Ninkan 20 jirka ahi waa uu diidan yahay in uu denbigan qabo. Tuhunka ninkan lagu hayo ayaa hada ah mid hooseeya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".