Ulf Kristersson.  Foto :Fredrik Sandberg/TT
Ulf Kristersson, hogaamiyaha xisbiga Modaraat-ka. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Taageerayaasha xisbiga Modaraat-ka oo aad kor ugu kacey

2:11 min

Xisbiga Modaraat-ka ayaa taagerayaashiisu aad kor ugu keceen ka dib markii talefishinka SVT iyo Novus ey weydiimo bishii oktober ka qaadeen qaar ka mid ah dadweynaha dalkan Sweden.

Dadkaas weydiimaha laga qaadey ayaa 20,6 boqolkiiba waxay sheegeen in ey xisbiga Modaraat-ka u codeyn lahaayeen haddii isla maalintaas ey dalkaan Sweden doorasho ka dhici laheyd.

Tiradaas ayaa boqolkiiba 4,4 ka badan ra’yi ururintii ugu danbeysey ee dhankaas laga sameeyo.

Xisbiga Libaraal-ka ayaa taageerayaashiisu hoos u dheceen 1,6 boqolkiiba, kaas oo hadda dadka taageeraa ey dhan yihiin 4,8 boqolkiiba.

Xisbiga Center-ka ayaa isna taageerayaashiisu hoos u dheceen 1,7 boqolkiiba taas oo hadda dhan boqolkiiba 10,8 boqolkiiba.

Taageerayaasha xisbiga Sverigedemokaraati-iga ayaa iyaguna boqolkiiba 1,3 hoos u dhacey taas oo taageerayaasha xisbigaasi ey imminka dhan yihiin 16,2 boqolkiiba.

Xisbiga Miljöparti-ga ayaa isna taageerayaashiisu waxay dhan yihiin boqolkiiba 4,0, waxaana taageerayaasha xisbigaasi hoos u dheceen 0,3 boqolkiiba.

Xisbiga Kristdemoquraadi-ga ayaa isna taageerayaashiisu waxay kor u keceen boqolkiiba 0,3 taas oo imminka dhan 3,8 boqolkiiba, waana tiro ka hooseysa xeyndaabka xisbiyada dalkaani ku soo galaan baarlamaanka dalkan Sweden taas oo dhan boqolkiiba 4.

Elisabeth Marmorstien oo talefishinka SVT dhanka siyaasadda uga faaloota ayaa sheegtey in kor u kacaan ku yimid taageerayaasha xisbiga Modaraad-ka ey sabab u tahay ka dib markii ey hogaanka xisbigaas baneysey Anna Kinberg Batra oo aheyd hogaamiye aan dad badani taageera u heyn taas oo sababtey in taageerayaasha xisbiga Modaraad-ku ey boqolkiina 10 hoos u dhacaan muddo toban bilood gudahood ah.

Elisabeth Marmorstien ayaa intaas ku dartey, bal waan aragno raadka u utaageerayaasha xisbigaas ku yeesho hogaamiye Uluf Kristsson oo hadda xisbigaas Modaraad-ka taageera xoog leh ka heysta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".