Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Xaafada Vivalla ee magaalada Örebro.
Xaafada Vivalla ee magaalada Örebro. sawir: Conny Sillén / TT

Wadashaqeeyn cusub oo laga hortageyo denbiyadda

1:31 min

Wadasheey cusub ayaa la rajaynayaa in ay yarayso denbiyada ka dhaca xaafadaha dan yarta ah ee danbiyadu ku badan yihiin.

Xaafadda Vivalla ee magaaladda Örebro ayaa wadanshaqeyntan hore loogu tijaabiyey, waxaana boolisku sheegayaa in ay hada arkaan natiijo fiican oo wadashaytan laga gaadhay.

Booliska, maamulka degmadda iyo shirkadaha guryada ayaa ka wadashaqeeynaya ka hortaga denbiyada,.

-Hadii ay jiraan burburin loo geysto iskuul, waxan ka wada hadalnaa waxa aan sameeyn karo si aan wada jir ugu hortagno denbigaas, Waxa laga yaabaa in loo baahan yahay in kamarado cusub lagu xidho goobta. Wada shaqeeyntan waxa ay ku dhisan tahay in aan si joogta u wada xidhiidhno oo si dhakhso ah uga hortagno denbiyada.

Hada waxa hayaadda ka hortagta denbiyada ka hirgelinaysaa mashruucan toddobo degmo oo ah kuwa loo arko in denbiyaddu ku badan yihiin. Xaafadahan ayaa waxa ka mid ah degmadda Borlänge, Sollentuna, Borås iyo Malmö.  

Mohammed Mose oo degen xaafadda Vivalla ayaa sheegay in xaafadda hada laga dareemayo isbedel wanaagsan.

-Haa farqi weeyn ayaa laga dareemayaa. Hada Vivalla aad ay sidii hore u dhaantaa. Mohammed Mose.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".