Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Foto; Fredrik Sandberg/TT.
Gurmadka shaqada qaranka. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Sweden oo kordhineysa tirada ciidamada gurmadka shaqada qaran

Sweden oo kor u qaadeysa tirada ciidamada gurmadka shaqada qaranka.
1:35 min

Dawladda dalkaan Sweden ayaa rabta in dadka ka qeyb qaata gurmadka shaqada qaranka ciidamada ey kor uga qaado 4 000 sanadkiiba oo ey hadda hawlgaliso eyna tiradaas gaarsiiso ilaa iyo 5 000 oo qof sannadkiiba.

Wasiirka gaashaandhigga dalkan Sweden Peter Hultqvist ayaa sheegey in qorshahaani raad la leeyahay sidii ridada dheer shaqaale ciidan oo sugan loo heli lahaa. Taas oo lagu miisaamayo ilaa iyo xadka ey ciidamada xooga dalku xamili karaan:

- Ciidama dheeraad ah ayaan u baahanahay, markaad heysatid ciidamo badan iyo guutooyin ciidan oo si habsami leh isugu xiran ayaad adkeeysi dheeraad ah u yeelan kartaa duruufaha jira , ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Sweden Peter Hultqvist.

Ciidamad xooga dalka Sweden ayaa lagu wargaliyey in ey u diyaargaroobaan qaadashada ciidamo gurmad shaqa qaran ah oo tira ahaan ka badan 4 000 oo qof, kuwaas oo waajibaadkaas qaran loogu yeeri doono bilowga sannadka cusub.

Sababta loo kordhiyey ciidamadaan ka qeyb qaadanaya hawsha gurmadka shaqada qaranka ayaa waxaa sabab u ah iyadoo ciidamada dalkaan Sweden ey dhib kala kulmaan sidii ey u qoran lahaayeen saraakiil ciidan oo rigli ah, meesha dhanka kale wasiirka gaashaandhigga Sweden uu aaminsan yahay in la sahlo habka saraakiisha dalkaan lagu qaato iyadoo asaas looga dhigayo dadka loo qaato shaqada gurmadka qaranka ciidamada.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".