Martina Holmberg.
sawir: Martina Holmberg / TT

Wariye ka shaqeeya idaacadda Sweden oo faraxumeyn loo heysto

Mid ka mid ah wariyayaashada idaacadda Sweden barnaamijyada ka soo gudbiya ayaa lagu soo eedeeyey in faraxumeyn dhanka galmada ah uu ku kacdey.

Falkaan ayaa saameeyey qaar shaqaalaha idaacadda ka shaqeeya ka mid ah sida uu wariyey wargeyska habeenlaha ah ee Expressen.

Mamulka idaacadda Sweden ayaa sheegey in baaritaano arrinkaas la xiriira ey bilaabeen balse eysan faahfaahin intaan dhaafsiisan imminka arrinkaas ka bixineyn.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".