.
Branden camp/AP/TT sawir: Branden Camp

Shir kuleylka cimilda looga hadlayo oo Bonn ka furmey

Shir cimilda adduunka ku saabsan oo magaalada Bonn ka furmey.
1:16 min

Dalal kor u dhaafaya ilaa iyo 190 dal ayaa shir kuleylka cimilada ku saabsani wuxuu uga socdaa magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.

Shirkaan ayaa daba socda shir weynihii heshiiska cimilada ee horey ugu dhacey magaalada Paris ee caasumadda dalka faransiiska.

Dalkaan Iswiidhan ayaa isbedelka cimilada adduunka ee sii kulalaaneysaa raad ku yeelatey sida dalalka kalee adduunka ka mid ahba.

Dhibta shirkaan ka jirta ayaa ah sidii dalalka ka qeyb qaadanayaa ay isugu raaci lahaayeen sharciyo ey ku mideysan yihiin oo cimilada adduunka wax looga qabanayo.

Wakiilka dalkaan Sweden shirkaas cimilada uga qeybgaleysa Johanna Lissinger Peitz ayaa waxay tiri sidan:

- Dalkaan Sweden iyo dalalka midowga Yurub khibrad ayey u leeyihiin habka dhibaatadaan loo xalin karo meesha dalalka kale ey hawshaasi bilow hadda u tahay sidaas daraadeed waxaa adag in go’aan dalalka oo dhammi ku mideysan yihiin la gaaro, dalkaan Iswiidhan waxaa muhiim u ah in la gaaro hab cad oo lagu dhaqangalin karo heshiisyadii la gaarey, ayey tiri Johanna Lissinger Peitz.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".