.
Nin toorey lagu dhuftey darteed ugu dhintey Stockholm. sawir: Johan Nilsson/TT

Nin mindi lagu diley Stockholm iyo baaritaanada booliska oo socda

Nin mindi lagu diley magaalada Stockholm gudeheeda.
1:36 min

Nin ayaa lagu diley koonfurta Tullinge ka dib markii mindi dhuunta looga dhuftey.

Booliiska ayaa hadda wada hawlgal xoog leh oo ey rabaan in ey ku soo qabtaan dadkii ninkaas mindida ku diley, booliiska ayaan wali sheegin da’da ninkaas la diley inta ey aheyd.

Anders Bryngelsson oo ah afhayeenka ciidamada booliiska Stockholm ayaa sheegey in goobtaas falku ka dhacey lagu arkey saddex nin oo ku dagaalamaya oo laba ka mid ahi markii danbe goobtaas ka carartey, kii saddexaadna dhuunta mindi looga dhuftey kaas oo markii danbe u dhintey dhaawacii falkaas ka soo gaarey, hadana waxaa socda hawlgal lagu ugaarsanayo dadkii falkaan danbi ka danbeeyey, ayuu yiri Anders Bryngelsson.

Ciidamada booliiska ayaa dhacdadaas waxaa lagu soo wargaliyey saacaddu markii ey aheyd 10.47 subaxnimo kuwaas oo isla markiiba goobtaas falku ka dhacey gaarey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".