.
Abaalmarinta suxufiyiinta. sawir: Janerik Henriksson/TT

Wariyayaal loo magacaabey abaalmarinta weyn ee suxufiyiinta

Wariyayaal loo soo sharaxey abaalmarinta weyn ee suxufiyiinta Sweden.
1:13 min

Abaalmarinta wariyayaasha dalkaan Sweden ee sanadkaan ayaa waxaa loo soo sharaxey wariyaal kala duwan.

Wariyayaashaas sida gaarka ah loogu soo xuley in ey ka mid ahaadaan dadka u tartamaya abaalmarita sanadkaan ee warfaafinta Sweden ayaa waxaa ka mid ah Sukran Kavak oo ka hawlgasha idaacadda P1-ka barnaamij ka baxa oo lagu magacaabo Tendens kaas oo soo saara barnaamijyo dukumentaro gaagaaban ah.

Sukran Kavak ayaa aabeheed oo aan luqadda dalkaan Iswiidhan aqoon u turjumi jirtey laga soo bilaabo markii ey yareyd, waxayna sameysey barnaamij idaacadda ka baxey oo ey ugu magacdartey "Aabahey ayaan u turjumi jirey", waxayna tiri:

- Ma xusuusto xilligii aan aniga iyo walaalhey bilowney in aan waalidkaya luqadda Iswiidhishka u turjuno ka dib markii aanu dalkayagii hooyo ka soo qaxney anagoo aad u yar yar , ayey tiri Sukran Kavak.

Wariyayaasha  kale ee abaalmarintaas loo soo sharaxey ayaa kala ah Åse Erlandsson iyo Mathias Ståhle.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".