.
Hubka lidka gantaalaha. sawir: Mark D. Carlson

Sweden oo hubka lidka gantaalaha ka soo iibsaneysa Mareykanka

Sweden oo dalka Mareykanka ka soo iibsaneysa hubka lidka gantaalaha.
2:01 min

Dawladda dalkan Sweden ayaa go’aansatey in ey dalka Mareykanka ka soo iibsato hubka lidka gantaalaha ee Patriot.

Dawladda ayaa habeenkii xaley waxay qorsheheedaas ku wargalisey guddi hoosaadka baarlamaanka dalkaan Sweden u qaabilsan arrimaha difaaca.

Wasiirka gaashaandhigga Sweden Peter Hultqvist ayaa shirkaas ka dib wuxuu yiri:

- Waxaanu golaha u soo bandhigney go’aanka dawladda ee ah in waaxda ciidamada dalkan Sweden u qaabilsan dhanka qalabeyntu ey  wadahadal la gasho hey’adaha Mareykanka una qoraan warqadda loo yaqaan ”Letter of Request” taas oo ku saabsan qalabka lidka gantaalaha  ee loo yaqaano Patriot-system, markaas ka dib ayaa waxaa si toos ah u bilaaban doona  wadahadalada dhankaas ku saabsan, mana rabo in aan ka sii hordhaco oo aan ka hadlo qiimaha uu arrinkaasi lacag ahaan ku kaci doono, ayuu yiri Peter Hultqvist.

Dawladda ayaa ka hor intii eysan go’aankaan qaadan waxay arrinkaas kala tashatey xisbiyada ey sida gaarka ah isaga kaashadaan arrimaha gaashaandhigga khuseeya kuwaas oo kala ah xisbiyada Socialdemoquraadi-ga, Madaraad-ka, Miljöparti-ga iyo Centerparti-ga.

Hans Wallmark waa afhayeenka xisbiga Modaraad-ka u qaabilsan dhanka gaashaandhigga :

-Haddaanu nahay xisbiga Modaraad-ka waxaa annaga ahamiyad weyn noo leh in ciidamada xooga dalku ey arrinkaas raali ka yihiin, waana in fulinteeda imminka lagu dhaqaaqaa si eysan dib ugu dhicin , ayuu yiri Hans Wallmark.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".