Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Gaari xamuul ah oo ey burcad hubeysani afduubtey

La daabacay onsdag 8 november 2017 kl 12.56
.
Gaari xamuul ah oo ey burcad hubeysani afduubtey. sawir: Emil Langvad/TT

Dad afka soo duubtey oo bistoolad ku hubeysan ayaa afduubey gaari xamuul oo ey leedahey shirkadda boostada ee Postnord, kaas oo markaas ku sugnaa bartamaha Lövgärdet.

Dadkaas gaariga afduubey ayaa darawalkii gaarigaas wadey waxay ku khasbeen in uu u kexeeyo meel aan la garaneyn.

Ilaa hadda lama oga rasaasi in ey goobtaas ka dhacdey iyo in kale iyo sidoo kalana iney jiraan dad falkaas ku dhaawacmey, sida lagu qorey bogga warsidaha ciidamada booliiska.

Ciidamada booliiska ayaa baadi goob u galey raadinta baabuurkaas la afduubey.

Waqtigu markuu ahaa kow iyo tobankii subaxnimo ayaa gaarigaas waxaa laga heley vättlefjäl oo koonfur bari ka jirta magaalada Göteborg.

Dad markhaatiyaal ah ayaa sheegey in ey arkayeen laba qof oo gaarigaas xamuulka ah alaabooyin  ka dajinaya kuna wareejinaya gaari yar, kuwaas oo markaas ka dib kaxeystey gaarigii yaraa ee ey alaabta ku rarteen.

Ilaa hadda lama oga waxyaalaha gaarigaas la afduubey lagala dagey, ciidamada booliiska ayaana baaritaano farsamo ku haya gaarigaas la afduubey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".