.
sawir: Johan Nilsson/TT

Warbixino booliisku leeyahay oo la gaarsiiyey dad danbiilayaal ah

1:27 min

Waaxda ciidamada booliiska u qaabilsan baaritaanada gaarka ah (SU) ayaa imminka baareysa falal danbi oo kumbuyuuraro lagu jabsadey iyo sharciga sir qarinta ”tystnadsplikten” oo isna lagu xadgudbey.

Ciidamada boliska iyo xeer ilaaliyaal ayaa ku hawlan baaritaan intii muddo ahba socdey oo la xiriira dad looga shakisan yahay in ey warar ey bixiyeen uu u gacanta u galey dad danbiilayaal ah.

Stefan Andersson oo baarayaasha ciidamada booliiska ka mid ah ayaa sheegey in arrinkaani la xiriiro warbixino booliiska u gaar ah oo ey ururiyeen dad aan shaqaalaha ka mid aheyn kuwaas oo laga yaabo in ey gacanta u galeen dad danbiikayaal ah.

Anders Jakobsson oo ah xeer ilaaliye ayaa sheegey in ey jiraan dad arrinkaan lagu tuhunsan yahay balse uusan taas ka faalooneyn maadaama baaritaanka arrinkaas ku saabsani uu wali socdo.

Anders Jakobsson ayaan ka hadlin in dadka baaritaankaas lagu hayaa ey ciidamada booliiska ka mid yihiin iyo in ey dad shacab ah yihiin.

- Wax badan arrinkaan kama sheegi karo maadaama baaritaankii uu wali socdo. Waxaanu hadda ku mashquulsanahay in aan xogtaas oo dhan soo ururino ka dibna aan fiirino waxa aanu ka qaban karno, ayuu yiri Anders Jakobsson.

Baaritaankaan lagu hayo dadka ciidamada booliiska u shaqeeya ayaa waxaa loogu dhabagalayaa in ey jiraan warar xasaasi ah oo hab qaldan loo isticmaaley.

Waxaa kaloo baaritaano lagu sameyn doonaa masawiradii iyo qoraaladii horey loogu faafiyey qalabka internet-ka ee ey ciidamada booliisku isticmaalaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista