Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wariye barnaamij laga joojiyey farxumeyn lagu eedeeyey ka dib

.
Xarunta idaacadda Iswiidhan. sawir: Martina Holmberg / TT

Haweeney barnaamij ka soo deyn jirtey idaacadda Iswiidhan ayaa laga joojiyey in ey barnaamijkaas siideyntiisa sii wado ka dib markii lagu soo eedeeyey in ey falal daandaansi galmo ah kula kacdey dadka la shaqeeya qaarkood.

Baaritaanka falkaan la xiriira wariyahaan caanka ah ayey idaacadda Iswiidhan imminka soo gabagabeysey inkastoo aysan shirkaddu arrinkaas si rasmi ah u caddeyn.

Baaritaankaan ayaa la xiriira ka dib markii haweeney madax ka ah barnaamij idaacada Iswiidhan ka baxaa ey falal daandaansi galmo la xiriira kula kacdey dad la shaqeeya xilliyo shaqada lagu dhexjirey iyo waliba waqtiyo aan shaqa lagu jirin intaba.

Idaacadda Iswiidhan ma eysan sheegin in wariyahaan la soo eedeeyey ey idaacadda ka sii shaqeyn doonto mustaqbalka iyo in kale.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".