Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Doorashadii hore ee ka dhacday Somaliland sannadkii 2010.
Doorashadii hore ee ka dhacday Somaliland sannadkii 2010. sawir: Barkhad Kaariye
Dhegeeyso
(2:00 min)

Somaliland oo maanta dooranaysa madaxweeyne cusub

La daabacay måndag 13 november 2017 kl 08.00

Maanta oo isniin ah ayaa dalka Soomaaliland laga dooranayaa madaxweyne cusub.

Soomaaliland ayaa ah dal madaxbanaanin ku dhawaaqay kana go´day Soomaaliya inteeda kale intii ka dambeeysay dagaalki soke ee 1991:kii. Mid ka mid ah soomaalida qurbajoogta ah ee hadda ku sugan magaalada Hargeeysa ayaa ah Rooda Elmi. In kasta oo aaney haysanin kaadhka lagu codeeynayo waxeey sheegtay in ay xiise adag u hayso siyaasada xisbiyada Somaliland.

-Wax badan ayaan soo qabsanay anaga oo Somaliland ah. Waddan jira ayaan nahay, markaa waan ku faraxsanahay in ay inoo hirgasho.

In kasta oo ay Soomaaliland haysato barlamaan, lacag iyaga u gaar ah iyo iyo basaboor gooniya, weli lama aqoonsan.

Caydaruus Aadan ayaa isaguna hadda ku sugan Soomaaliland sida uu u taageero xisbiga isagu jeclaan lahaa in waddanka hogaamiyaan, hasayeeshe ayuu sheegay in ta ugu muhiimsani tahay in ay doorashadani u dhacdo hab dimoqraadnimo ku dhisan.

-Waxaan rajeeynayaa in ay doorasho xaq oo xalaal ah dhaco, kii la doorto na lagu ixtiraamo.

Saddexda xisbi ee ku tartamaya doorashada maanta ka dhici doonta dalka Soomaaliland ayaa ah Muuse Biixi Abdi, xisbiga Kulmiye, Faisal Ali Warabe oo ka soo jeeda xisbiga UCID iyo Abdirahman Mohammad Abdullahi oo meteleya Waddani.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".