.
sawir: Sören Andersson/TT

Xulka qaranka Sweden oo caawa la ciyaari doona xulka Talyaaniga

Caawa ayaa ciyaar loogu tartamayo koobka adduunka ee 2018-ka kaas oo lagu qabandoono dalka Ruushka waxay dhexmari doontaa xulka qaranka Sweden iyo xulka qaranka Talyaaniga.

Cayaartaan ayaa bilaaban doonta caawa saacaddu marka ey tahay 20.45 daqiiqo, waxayna ka dhici doontaa garoonka ciyaaraha ee Frainds Arena ee magaalada Stockholm.

Ciyartaan caawa dhexmareysa labadaan xul ee Sweden iyo Talyaaniga ayaa bilow u ah laba ciyaarood oo ey labadaan kooxood ugu tartamayaan kii labadooda ku soo bixi lahaa in uu ka qeyb qaato koobka kubadda cagta adduunka ee 2018-ka kaas oo ka dhici doona dalka Ruushka.

Ciyaarta labaad ee ku celiska ah oo labadaan kooxood ey fooda isku dari doonaan ayaa waxay maalinta Isniinta ah ee soo socota saacaddu marka ey tahay 20.45 daqiiqo ka dhici doontaa magaalada Milano ee carriga dalka Talyaaniga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".