Qaar ka mid ah xeerooyinka qaxootiga oo la xidhi doono.
Qaar ka mid ah xeerooyinka qaxootiga oo la xidhi doono. sawir: Adam Wrafter/SvD/TT

Boosaska xeerooyinka qaxootiga oo la yareenayo

1:14 min

Heeyada socdaalka ee Migrationsverket ayaa sannadka dambe sii wadi doonta xidhitaanka qaar ka mid ah xeeroyinka qaxootiga ee dalkan.

Xidhitaankan ayaa ku eeg xeerooyinka gaarka loo leeyahay keliya, tusaalahan guryaha kireeysiga ah.

Sababta ay heeyadani doonayso in ay yareeyso xeerooyinkan ayaa ah in ay hoos u degeen tirada qof ee sharci u soo raadsada dalkan Sweden. Ilaa sannadkii hore ee 2016:kii ayaa la xidhay 40 000 goobo lagu talo galay qaxootigan oo meel ku gaadh ahaa. Goobahan ayaa ah kuwa gaarka loo leeyahay ee af-sweedishka lagu yidhaahdo ”privata boenden”

Mid ka mid ah xeerooyinka la xidhay ayaa ah Kallgården oo ku taala degmada Åre, waqooyiga Sweden.

Kenneth Karlsson oo qeeybta guryaha ee heeyada socdaalka ka shaqeeya ayaa sheegay sidan:

-Waa in aanu dhowrno lacagta dadka dalkan. Hadii aani baahi jirin qaxootigi na yaraadeen, lacagteena waa in aanu ilaashano oo ku meeleeyno meesha looga baahanyahay, ayuu sheegay Kenneth Karlsson.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".