Kooxda qaranka ee kubada cagta Sweden.
Kooxda qaranka ee kubada cagta Sweden. sawir: Anders Wiklund/TT

Sweden oo ku dhow in ay u gudbaan koobka aduunka

Maanta ayaa la ogaan doona in ay Sweden u gudbi doonto koobka kubada cagta ee sannadka dambe.

Caawa ayey ciyartii loogu tartamayey koobka adduunka sannadka dambe ee dhexmaraysay Sweden iyo Talyaaniga lagu ciyaaraya magaalada Milano ee dalkaas.

Ciyaarta caawa la ciyaarayo ayaa ku celis ah. Todobaadkii hore ayey kooxda Sweden 1-0 kaga badisay Talyaaniga. Tan ayaa ka dhigan in culeeyska ugu badani saaran yahay kooxda Talyaaniga ah caawa.

Waxeey garoonka San Siro magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ah ka bilaabmaysa saacadu marka ay tahay 20.45 caawa.

Koobka addunka ee kubada cagta ayaa sannadka dambe lagu ciyaari doona dalka Ruushka.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".