Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Kooxda kubada cagta Sweden ayaa xalay u gudubtay koobka adduunka.
Kooxda kubada cagta Sweden ayaa xalay u gudubtay koobka adduunka. sawir: Jonas Ekströmer/TT
Dhegeeyso
1:53 min

Sweden ayaa u gudubtay koobka adduunka 2018

La daabacay tisdag 14 november 2017 kl 11.14

Kooxda qaranka kubada cagta Sweden ayaa xalay u gudubtay koobka aduunka ee sannadka dambe lagu ciyaari doono dalka Ruushka.

Ciyaartii xalay ka dhaxeeysay kooxda Talyaaniga iyo ta Sweden ayaa ku dhammaaday barbardhac 0-0. Natiijadan ayaa ka dhigan in ay Sweden ciyaari doonto koobka adduunka sannadka dambe madama ay ciyaartii hore ee labadan kooxood dhexmartay todoobaadkii hore 1-0 kaga badiyeen Talyaaniga.

Andreas Brolin oo ku nool degmada Vallentuna ayaa ka mid ahaa kuwii daawanayey ciyaartaan. Markii la weeydiiyay dareenkiisa in ay Sweden u gudubtay koobka adduunka ayuu sheegay:

-Waa wax aan la fahmi karin lana fileeyn in ay dhacdo, ayuu yidhi Andreas Brolin.

Tiro gaadhsiisan 1500 taageerayaal ayaa ka tagay Sweden islamarkaas na ku sugna garoonka San Siro ee magaalada Milano dalka Talyaaniga si ay uga qeeyb qaataan ciyaartaan.

Dhanka kale ayey noqotay markii ugu horeeysay ilaa 1958 ay kooxda Talyaanigu u gudbin ciyaarahan.

Janne Andersson ayaa ah tababarraha kooxda kubada cagta qaranka Sweden, sidan ayuu dhowaan ka sheegay shir saxaafadeed uu ka qabtay magaalada Milano.

-Dadka ciyaarahan soo ciyaaray weey garanayaan markaad ciyaar ku guuleysatid amba sida iminka u gudubtid koobka adduunka in ay adagtahay in farxadan hadal lagu muujiyo, ayuu sheegay Janne Andersson.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".