Ololaha "Metoo".
Ololaha "Metoo". sawir: Fredrik Sandberg/TT

Dugsiyo lagala shirayo xad-gudubyada haweenka loo geeysto

Ololaha beryahan ka aloosana isgaadhsiinta aaladaha bulshada ee ”metoo” lagu magacaabay ayaa keenay in boqol dugsi hawl lagu siiyay in ay soo saaraan istratatijo si arrimaha la xidhiidha xadgudubyada iyo faraxumeeynta loo geeysto haweenka dalkan looga hor tagi lahaa.

Ururada Raoul Wallenberg Academy iyo Natur&Kultur ayaa iskuuladan ku soo casuumay shir si looga hadlo islamarkaas na xal loogu helo xad gudubyada iyo faraxumeeynta, waxaa af- swedhishka lagu yidhaahdo sexuella trakasserier, loo joojin karo. Bisha soo socota ee diseembar ayaa wadahadaladan la bilaabaya.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".