Rashiid Musa, gudoomiyaha ururka SUM.
Rashiid Musa, gudoomiyaha ururka SUM. sawir: Muslimska familjedagarna

Ururka dhalinyarada muslimiinta oo khalad lacagta looga jaray

Maxkamada maamuulka ee Förvaltningsrätten ayaa dhowaan caddeeysay in heeyada dhallinyarada iyo arrimaha bulshada ee MUCF khaldameen markii ay lacagta ka joojiyeen ururka dhalinyarada muslimka, Sveriges Unga Muslimer.

Sababta ururka dhalinyarada muslimka ah lacagta looga jaray ayaa aheeyd in lagu tuhunsanaa in ay wadashaqeeyn la yeesheen kooxo aaminsan fikirka argagaxisada. Tuhunkan ayey maanta maxkamadu ka masaxday.

Rashiid Musa oo ururkan guddoomiye ka ah ayaa sidan sheegay:

-Waan ku faraxsanahay in aanu ku guuleeysanay kiiskan, ayuu jidhi Rashiid Musa.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".