Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Caruur cashar lagu siiyay in ay bartaan ereyga "neger"

La daabacay torsdag 16 november 2017 kl 11.42
Caruur fasalka shanaad dhigta ayaa cashar lagu siiyay in ay bartaan ereyga "neger"
Caruur fasalka shanaad dhigta ayaa cashar lagu siiyay in ay bartaan ereyga "neger" sawir: Kallestad, Gorm

Iskuul ku yaala degmadda Sollentuna ayaa ardaydooda cashar ku siiyay in ay bartaan ereyga ”neger”.

Dugsiga Rösjöskolan ayaa dhowaan casharkan u dhiibtay caruuraha dhigta fasalka shanaad. 

Ahmed Osman oo aabe u ah mid ka mid ah ardayda casharkan loo soo dhiibay ayaa sheegay in u shoog dareemay markii uu arkay warqada la siiyay wiilkiisa. Sidaas ayuu ka yidhi wareeysi uu la yeeshay wargeeyska Aftonbladet.

Sido kale ayey dhowr waalid la xidhiideen maamuulka iskuulkan si ay u ogaadaan sababta caruurtooda lagu dhiiri galiyay in ay bartaan ereyga ”neger”

Mikael Kaspar oo madax ka ah iskuulkan ayaa casharka caruurtan loo soo dhiibay u arka khalad.

-Dabcan ereygan ma aha wax aan doonayo amba macallimiinta kula tallin lahaa in caruurta la baro, ayuu yidhi.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".