Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Ra´iisal wasaare Stefan Löfven.
Ra´iisal wasaare Stefan Löfven. sawir: Jonas Ekströmer/TT
Dhegeeyso
(1:27 min)

Shirweeynaha EU oo albaabada loo furay maanta

La daabacay fredag 17 november 2017 kl 11.50

Maanta ayaa magaalada Göteborg albaabada looga furaya shirweeynaha ka dhaxeeya hogaamiyaasha wadamada EU.

Ra´iisal wasaare Stefan Löfven ayaa sheegay in aanu ka welwelsaneeyn in shirkani kordhin doono saameeynta ururkan, arrin ay xisbiyada mucaaradka ee Alliansen ku dhaleeceeyeen shirweeynahan una arkaan khatar.

Shirweeynaha maanta ka bilaabmaya magaalada Göteborg ayaan go´aano waaweeyn lagu qaadaneeyn, hasayeeshe ayey hogaamiyaasha wadamada EU saxeexayaan warqad halka ay ku qoranyihiin 20 qodobo oo khuseeya xuquuqyada ka jira bulshaddaha wadamada Yurub.

Maadama uu shirkani ku taagneeyn saddexda tiir ee ururkan lagu asaasay ayaan loo arkin mid ku fadhiya culeeys weeyn. Hasayeeshe ayaa la rabaa in wadamada lagu dhiirigeliyo in ay ilaaliyaan xuquuqda bina´aadanka iyo muwaadiniinta wadamada Yurub ku nool.

Dhanka kale ayey dhowr qofi ka qeeyb galayaan banaanbaxyo ka hor tag ah oo lagu dhaleecaynayoo shirweeynahan.

Sannadkii 2001 ayaa shirweeyne, u eeg ka maanta la sameeyn doono, laga qabtay magaalada Göteborg. Qaar ka mid ah kuwii halkaas lagu soo casuumay ayaa ahaa madaxweeynihii hore ee Mareeykanka George W. Bush. Rabshadihii iyo banaanbaxyadii halkaas ka dhacay ayaa noqday kuwii ugu darnaa ee dalkan laga sameeyo.

 

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".