Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Wasiirada arrimaha dibada dalkan Margot Wallström.
Wasiirada arrimaha dibada dalkan Margot Wallström sawir: Pontus Lundahl/TT
Dhegeeyso
(1:01 min)

Wallström oo booqanaysa dalka Bangladesh

La daabacay fredag 17 november 2017 kl 14.16

Wasiirada arrimaha dibada dalkan Margot Wallström ayaa boqasho ku tagi doonta dalka Bangladesh halka ay joogaan kumaankum Rohingya oo ah dad lago tiro badan yahay oo ka soo qaxay dalka Burma.

-Waxyaabaha lagu sameeynayo dadka Rohingya waa wax xaq darro ah una baahan in si degdeg ah loo joojiyo, ayey sheegtay Margot Wallström.

Wallström ayaa wasiirka arrimaha dibada ee dalka Jarmalka, Sigmar Gabriel, ula dhoofi doonta Burma si ay u soo booqdaan xeerooyinka halkaas oo ay joogaan tiro gaadsan 600.000 Rohingya oo dabagal awgeed u soo cararay dalka Bangladesh.

Dhibaatooyinka dadka Rohinya lagu hayo dalkooda Burma ayey Zeid Ra'ad Al Hussein oo Qaramada Midoobey u qaabilsan dhinaca xuquuqda bina´aadanka u aragta xasuuq dadweeyne.

Rohingya ayaa ah dad ku nool dalka Burma ahna dad badankood aaminsan diinta islaamka ah, halkey inta kale aaminsanyihiin diinta Budiistiga ah.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".