Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dumarka teknoolajiyadda ka shaqeeya oo kacdoon sameeyay

La daabacay måndag 20 november 2017 kl 10.20
Kacdoono lagaga soo horjeedo xadgudubyada galmada
(2:26 min)
Ololaha Metoo.
Ololaha Metoo. sawir: Damian Dovarganes

1139 dumar ah oo ka shaqeeya suuqyadda teknoolajiyadda ayaa saxeexay kacdoon laga soo horjeedo xad gudubyadda galmadda la xidhiidha ee dumarka ka shaqeeya suuqan lagula kaco. Fariintan ayey dumarkan ku baahiyeen wargeysa Dagens Nyheter.

Kooxdan dumarka ah ee ka cabanaya xadgudubyo ka jira shaqooyinkooda waxa ay noqonayaan kuwii sadixaad ee kacdoonkan sameeya, hore waxa fariinta tan la mid ah ku baahiyey wargeysyadda dumarka ka howgala aflaanta iyo riwaayaddaha iyo weliba dumarka heesaayadda ah.

Kacdoonadan ayaa daba socda markii todobaadyo ka hor uu baraha bulshaudu ku wada xidhiidho ka bilaamay kacdoon loogu yeedhay Metoo. Halkaas oo dumar badan ku soo bandhigeen xadgudubyo dhanka galmada la xidhiidha oo loo geestay.

Mid ka mid ah dumarka ka shaqeeya suuqa tekniloojiyadda ayaa sheegtay sida.

Waxan idhi ii banee aan ku dhaafee. Markaas ayuu ku jawaabay. Haye keli ah aan marka hore taabto kuwan. Markaas ayuu qabtay naasahyayga. Magaranayo wixii iigu daraa. In ninkan igu xadgudbay mise in afar nin oo kale arkayeen oo ku qosleen wixii igu dhacay.

Dhinaca kale dumarka ka shaqeeya heesaha iyo aflaanta ayaa xalay oo axad ahayd qabanqaabiyey kulan ka dhacay 13 magaalo oo Sweden ka mid oo lagu soo bandhigay sheekooyinka ay soo mareen qaar ka mid ah dumarka ka shaqeeya heesaha iyo aflaanta. Kulankan oo loogu talagay in lagu gudbiyo fariinta ah in wax laga qabto tacadiyadda dumarkan lagula kacay ayaa waxa la arkhriyey warbixinnada boqolaal makhraati. Magaalada Stockholm waxa ka qeeyb galay kulankan wasiirada hidaha iyo dhaqanka iyo boqorada iyo amiirada sugaysa dhaxalka boqornimada Sweden. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".