Kosovare Asllani iyo Andreas Granqvist.
Kosovare Asllani iyo Andreas Granqvist. sawir: Henrik Montgomery/TT

Abaalmarinta kubada cagta oo xalay la bixiyay

1:30 min

Xidigyada kubadda cagta Kosovare Asllani dhinaca haweenka iyo Andreas Granqvist, ragga ayaa xalay ku guuleeystay abaalmarinta koobka dahabka iyo ka dheemaanka ah ee ururka kubada cagta Sweden iyo wargeeyska Aftonbladet si wadajir ah u bixiyaan sannad walba.

Waa markii ugu horreeysay ay labadan ciyaaryahaani ku guuleeystaan abaalmarintan. Kosovare Asllani oo u ciyaarta kooxda qaranka kubada cagta dumarka ee dalkan ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxtay abaalmarintan:

-Abaalmarintan waxaan u hibeeynaya caruur kasta oo higsanaya in ay horumar ka gaadhaan noloshooda, ayey sheegtay Kosovare Asllani.

Sido kale ayey aheeyd markii ugu horreeysay uu Andreas Granqvist qaato koobkan. Granqvist oo ah kabtenka kooxda kubada cagta qaranka dhinaca ragga ayaa amaan badan helay markii ay kooxdiisu u gudubtay koobka aduunka ee sannadka dambe ka dhici doona dalka Ruushka. Sidan ayuu sheegay markii la wareeystay ka dib uu ku guuleeystay koobka dahabka ee Guldbollen loo yaqaano.

–Waa wax aan filaneeyn in magaceeygu ku ag qoornaan karo ciyaaryahaanka caanka ah, ayuu yidhi Andreas Granqvist.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".