Xad gudubka dumarka oo la sii baadhayo.
Xad gudubka dumarka oo la sii baadhayo. sawir: MARK RALSTON

DO oo baadhaysa sida shirkaduhu faraxumeeynta u maareeyaan

DO oo baadhaysa xad gudubyada shaqooyinka ka dhaca.
1:25 min

Haayadda ka hortaga cusuriyadda ee DO ayaa bilabaaysa xog uruurin ay ka sameeynayso 40 shirkadood iyo haayaddood oo ka hawlgala suuqyadda dhaqankan, warbaahinta iyo garsoorka.

Baadhitaankan ayaa ka danbeeyey wararka maalmihii ugu danbeeyey soo baxayey oo muujinaya in dumar badan ka cabanayaan xad guduyo dhanka galmada ah oo lagula kaco.

Haayaddan ayaa sheegtay in ay hubinaan in dadka masuuliyiinta ahi leeyihiin qorshe ay wax kaga qabtaan dhacdooyinka, faraxumeeynta ah ee dumarka loogu geysto shaqooyinkooda.

Shrikadaha baadhitaanka lagu sameeynayo waxa ka mid ah TV4. Dhowr todobaad ka hor ayey ahayd markii dumar badan ku eedeeyeyn nin caana ah oo TV4 ka hawlgala in uu faraxumayey, iyada oo hogaamiyaasha shirkada ayey iska indho tireen dhacdooyinkaas.

Haayadda ka hortaga cusuriyadda waxa ay sheegtay in hada loo baahan yahay in la sameeyo baadhitaan balaadhan oo lagu eegayo sida ay shirkadahani u maareeynayaan ku xad gudubka shaqada ka dhaca.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".