Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Hub caag ah oo laga baqayo

La daabacay torsdag 23 november 2017 kl 10.24
Hub caag ah loo gala baqayo
(2:08 min)
hub cusub oo oaga baqayo.
sawir: Johan Nilsson/TT

Hub laga sameeyey caag oo kombuyuutarka lagu nashqadeeyey oo baqdin laga qabo in ay gacanta u galaan argagaxisada.

Haayadda hubisa alaabta isaga gudbaysa xuduudaha ee looyaqaano Tullverket ayaa ilaa hada qabatay dhowr qori oo caag ka sameeysan.

-Waa si looga badbaadi karo in la qabto hubkan. Hubkan waxa uu u sameysan si aan u eegayn hubkii la yaqaanay, kana sameysan agab ay adagtahay in lagu arko teknooliyidda aan hore u haysanay. Sidan waxa yidhi Karl Hertling oo ka hawlgala laanta sirdoonka ee haayadda Tullverket.

Hubkan ayaa ah mid lagu nashqadeeyey kombuyuutarka iyada oo la adeegsanayo farsammada looyaqaano 3D, ayada oo kadibna sida waraaqaha lagala soo baxayo makiinadda wax daabacda. Hubkan ayaa caag ka sameeysan, iyada oo loo eegaysiinkaro sidii ladoono, sidoo kalena loo qeeybin karo qeeybo yar yar. Sababahan ayaa aad u yaraynaya fursadaha in lagu qabto hubkan baadhitaanka istabaha.

Ururka ka hortaga denbiyadda ee isbahaysiga Yurub ee lagu magacaabo Europol ayaa hada ka wada hadlaya khatarta hubkan leeyahay hadii uu gacanta u galo argagaxisada.

-Marka la eego wadashaqeeynta caalamiga ah, argaxisada ayaa ah wax mudnaan leh. Waana sababtaa waxa hada looga wada hadlayo arrintan, ayuu sheegay Hertling.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".