Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaqa suxufiyiinta ka soo horjeeda xadgudubka galmada

Johanna Lindqvist  iyo Emma Lindqvist ayaa abaabulay kacdoonkan.
1 av 2
Johanna Lindqvist iyo Emma Lindqvist ayaa abaabulay kacdoonkan.
Dhaqdhaqaaqa lagu magacdaray Metoo.
2 av 2
sawir: Claudio Bresciani/TT

4 084 suxufiyiin haween ah ayaa saxiixay baaqa #deadline oo ka dhan ah dhibaataynta galmada ee saxaafada.

Johanna Lindqvist ayaa ka mid ah dadka u ololeeyaasha baaqan, halkaas oo  boqollaal markhaatiyo ah laga soo uruuriyey saxafiyiin sheegaaya sida ay wax ugu geysteen asxaabtooda shaqadu:

– Taas oo ay ka mid yihiin kufsiyo ilaa erayo xadgub ah iyo kaftan, aan aheyn kaftan, laakiin lala qoslo uun si aan jawigu u xumaan, ama taabasho ama xadgudb qaab nooc kasta oo suurtagal ah leh," ayay tiri.

Waxa baaqa#deadline ay boqolaal haween suxufiyiin ahi ay ka markhaati kacayaan sida dhibaataynta galmada ay ugu geysteen asxaabta la shaqeysa ee warbaahinta degaanka, ta qaranka oo dhan wada gaadha ee Sveriges Radio, SVT, TV4 iyo wargeysyada iyo joornaalada.

Waxa sheekooyinka baaqan ka mid ah suxufiyad yar oo aan shaqo sugan haysan.

Waxaa la i siiyey daroogo iyadoo kadibna ay laba nin oo suxufiyiin waaweyn ahi i kufsadeen markii toban sano ka hor ahaa saxafi da'yar oo madax banaan, oo isku dayay inuu soo galo bahda saxaafada. Nasiib darro kufsigaa lama soo dacweynin. Ceebta ayaa ka weyneyd waxa aan dareemaayey in awoodeyda saameyntu aheyd, halkaas iyo markaas.

Mar ay Johanna Lindqvist oo ka mid ah dadka u ololeynaaya ay akhridey qoraalka markhaatiga, ayay aragtay inuu jiro xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya u nuglaanshaha xagga dhibaataynta galmada iyo sugnaan la'aanta shaqo.

– Inta badan waxay dhibaato soo gaadha haweenka da'da yar ama haweenka ku cusub goobaha shaqooyinka ee aan haysan shaqo joogta ah, kuwaas oo rag muddo dheer meesha joogay xadgudub u geystaan, kuwaas oo dareemaaya inay ku sugan yihiin goobtooda shaqada halka ay dumarku aanay isku hubin booskooda oo aanay awood u laheyn inay iska diidaan, ayay dareemayaan.

Taas waxa si cad u muujinaaya sheekadan kale ee ay gabadh kale suxufiyad ah sheegayso.

Mid ka mid ah madaxda, nin da'diisu tahay qiyaas ahaa 60 jir, ayaa dhagta hoos iigu yidhi oo i weydiiyey haddii aan rabbo inaan isaga guriga u raaco . Waan argagaxay, kadibna intaan indhahayga ku guban ayaan ku fikirey: waa nin 60 jir ah ana waxaan ahay 25 jir. Markaas ayuu hadalkiisii sii watey: ”Waxaad heli doonataa laba kun oo karoon.” Waxaan xusuustaa inay labolabo isoo qabatey oo aan halkaas iskaga dhaqaaqey.

Charlott Richardsson, oo ah agaasimaha ururka shaqaalaha Shirkadaha warbaahinta ayaa qabta inay muhiim tahay in sheekooyinkani dibada yimaadaan iyo in hadda si dhab ah looga shaqeeyo sidii isbedel loo sameyn lahaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".