Ardaydan ayaa dhaleecaynaya macallimiinta oo sida iyagu u jeedaan si dhab ah u qaadanin arrinkan.
Ardaydan ayaa dhaleecaynaya macallimiinta oo sida iyagu u jeedaan si dhab ah u qaadanin arrinkan. sawir: Johan Nilsson/TT

Ardayda iskuulada oo xad gudubyo loo geeysto wakhtiga casharka

0:56 min

Baaqa #tystiklassen ayey ardayda iskuulada dalkani ku cadeeyeen in ay xad gudubyada beryahaan laga doodayay ka jiraan iskuuladooda, kana timaado ardayda ay fasalka la dhigtaan.

Ardaydan ayaa dhaleecaynaya macallimiinta oo sida iyagu u jeedaan si dhab ah u qaadanin arrinkan.

Johan Gilly Gyberg oo ka hawlgala heeyada maamulka iskuulada dalkan ayaa sheegay in aanu la yaabsaneeyn in xad gudubyadani ka jiraan iskuulada iyo in uu fahmi karo dhibaatada ay ku hayso ardayda la kulma.

Sido kale ayuu farta ku fiiqay in ay waajibka macallimiinta tahay in ay ka hor tagaan arrimahan. Dhanka kale ayuu caddeeyay in ay maamuulada iskuuladu u baahan yihiin aqoon kororsi ku saabsan xad gudubyadan.

Masuuliyada in istraatatijo ku saabsan ,si loo joojin lahaa amba looga hor tagi lahaa dembiyadani, waxeey saarantahay heeyada kormeerka iskuulada ee Skolinspektionen.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".