Johannes Anyuru oo xalay helay abaalmarinta Augustpriset.
Johannes Anyuru oo xalay helay abaalmarinta Augustpriset. sawir: Claudio Bresciani/TT

Qoraaga Johannes Anyuru oo lagu abaalmariyey buug uu qoray

Abaalmarinta ugu weyn dhanka suugaanta ee ay Sweden bixiso ayaa shalay la bixiyay. Waxaa sannadkan helay qoraaga Johannes Anyuru oo qoray buuga "De kommer att drunkna i sina mödrars tårar"

Abaalmarintan Augustprisgalan waxa la bilaabay sannadkii 1989, waxaana sannad kasta abaalmarin la siiyaa dadka ku guulaysta qiimaynta suugaanta noocyadeeda kala duwan.

Abaalmarintan ayaa ka kooban bilad miisaankeedu yahay 3 kiiloo iyo lacag dhan 100 000 karoon. Halka abaalmarinta lilla Augustpris ay lacagteedu tahay 15 000 koroon.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".