Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Hindise ka hor tagaya xad gudubyada loo geeysto caruuraha.
Hindise ka hor tagaya xad gudubyada loo geeysto caruuraha. sawir: Hasse Holmberg/TT

Dawladda oo doonaysa in caruuraha wax laga baro xad gudubyada

1:24 min

Waa in caruuraha dhigta dugsiga xanaanada iyaga oo yar la baro xuquuqdooda, tusaale waxaa jidhkooda lagu sameeyn karo iyo qofka taaban kara.

Hadii la xadgudbo na yidhaahdaan ”stopp min kropp” af-soomaali ”joog, ha i taaban” Hindisahahan oo ay dawladda dalkani soo saartay ayaa la rabaa in uu ka hor tago xad gudubyada ka jira bulshada ee sexuella trakasserier.

Mid ka mid ah dugsiyada laga bilaabay in caruuraha arrimahan wax laga baro ayaa ah Berga förskola oo magaalada Eskilstuna ku yaala.

Vendela ayaa ah da´da 5 jir. Sidan ayey sheegtay markii hindisaha "stopp min kropp" wax laga weeydiiyay.

-Marka loo soo dhawaado naaskaaga, baadhidaada amba afkaaga waxaad odhan karaa "joog ha i taaban". Sido kale hadii jidh dil la ii geeysto, ayey tidhi Vendela.

Lisa Jisei oo macallimad ka ah dugsigan ayaa sheegtay in ay bilihii ugu dambeeyay bilaabtay in ay caruurta barto micnaha ”stopp min kropp”

-Waa muhiim in caruurta inta ay yaryihiin la baro xuquuqdooda iyo sida dadka loola dhaqmo, ayey sheegtay Lisa Jisei.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".