Qoysaska caydha qaata ayaa lacagta loo kordhin karaa.
Qoysaska caydha qaata ayaa lacagta loo kordhin karaa. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Qoysaska caaydha qaata oo lacagta loo kordhin karo

1:44 min

Maanta ayey dawladdu go´aan ka gaadhaysa in qoysaska caruuraha haysta ee caydha qaata loo kordhin doono lacagtan iyo in kale.

Hadii arrinkan la dhabeeyo waxeey noqonaysa 570 koroon oo dheeraad ah bil walba waalidka tusaalahaan keli ku koriya labadiisa caruur.

Wasiirada sinnaanta iyo dhallaanka Åsa Regnér ayaa ka hadlaysa sababta ay muhiim u tahay in lacagtan loo kordhiyo qoysaskan.

-Waxaanu rabnaa in caruuraha ku nool qoysaska caydha qaata lacagtan loo kordhiyo, madama sannadka dambe lacagta barnbiidraaga loo kordhin doono caruuraha oo dhan. Sidaas daraadeed ayey muhiim tahay in kuwa caydha qaata na loo kordhiyo lacagtooda sida aanu ula simno caruuraha kale, ayey sheegtay Åsa Regnér.

Sannaka dambe ayey dawladdu lacagta barnbiidraaga u kordhin doonta caruuraha dalkan. 200 koroon oo dheeraad ah caruurtii.

Åsa Regnér iyo mar kale.

– Qoysaska qaata lacagta caaydha waa kuwo dakhligoodu hooseeyo amba aan shaqo haysanin, markaa waxaan rajeeynayaa in ay kordhin tani wax ka caawiso,ayey sheegtay.

Kordhinta lacagta caydha ayaa degmooyinka dalkan ku noqonaysa kharash 200 milyan oo koroon ah.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista