Buuga sharciga dalkan, Sveriges Rikes Lag.
Buuga sharciga dalkan, Sveriges Rikes Lag. sawir: Anders Wiklund/TT

Nin dhallaan ku kufsaday internetka oo la xukumay

Maxkamada magaalada Uppsala ayaa nin 41 jir ah ku xukuntay 10 sanno oo xabsi ah ka dib uu 30 hablood oo an qaan gaadhin kula guubaabiyey in ay faraxumeeyn isku sameeyaan iyo caruuro kale isaga oo kala hadlaya shabakadda internetka.

Waa markii ugu horeeysay taariikhda dalkan oo qof caruur kala hadlay internetka lagu xukumo ciqaab noocan oo kale.

Caruurta uu ninkani internetka kala sheekeeystay ayaa deggan Mareeykanka,Kanada iyo Scottland.

In kasta oo kiisas noocan oo kale hore loo marsiiyay maxkamada dalkan ayuu kiiskani yahay kii ugu horeeyay ee xukun gaadha.

Qareenka ninka la xukumay ee Kronje Samuelsson ayaa wakaalada wararka ee TT u sheegay in aanu maxkamada kula raacsaneeyn xukunkan iyo in uu dacwad u gudbin doono maxkamada racfaanka.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".