HIV

Sida: oo ku deeqday 400 milyan oo HIV laga hortageyo

Haayadda deeqbixinta Sweden u qaabilsan ee loo yaqaano Sida, ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in ay 400 milyan oo kronor ku bixinayaan ka hortaga xanuunada laga qaado galmada.

Haayaddan waxa ay maanta oo ah maalinta loo aqoonsaday maalinta faayruska HIV baahisay in lacagtan loogu deeqayo waddamaada Malawi, Uganda, Zimbabwe, Zambia iyo Lesotho oo dhamaantood ku yaala qaarada Afrika. Kaalmadaadan waxa loo siimarinayaa dhowr urur oo qaramadda midowbey hoos yimaada.

Dag Sundelin oo ah gudoomiyaha marshuucyadda caafimaadka ee dhanka galmada iyo taranka ayaa sharaxay ujeedada laga leeyahay deeqdan.

-Waxa ugu muhiimsan ee loo baahan yahay si natiijo looga keeno la dagaalanka cudurkan waa in si wada jir ah looga weeraro dhinacyo badan sida daweenta HIV, caafimaada guud, ka hortaga denbiyadda dhanka galmada, bixinta macluumaadka la xidhiidha ka hortaga uurka iyo ilmaha iska soo ridka, ayuu sheegay Sundelin.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".