Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dhakhaatiir ka cabanaysa xadgudubyadda dumarku kala kulmaan shaqooyinkooda.
Dhakhaatiir ka cabanaysa xadgudubyadda dumarku kala kulmaan shaqooyinkooda. sawir: Claudio Bresciani/TT

10 000 oo dhakhtar ayaa saxeexay kacdoon cusub

10000 oo dumar dhakhaatiir ah ayaa saxeexay kacdoon.
1:41 min

In ka badan 10 000 oo dumar ah kana kooban dhakhaatiir iyo ardeyda dumarka ah ee dhatarminimada barta ayaa saxeexay kacdoonkii ugu balaadhnaa ee laga soo horjeeda xadgudubyada galmada la xidhiidha ee dumarku kala kulmaan raga ay wada shaqeeyaan.

Kacdoonada ay sameeynayaa dhumarka xirfaddaha kal duwan ee ay ku doonayaan in la joojiyo xadgudubyadda dhanka galmadda la xidhiidha ee goobaha shaqada ka dhaca ayaa soo badanayey todobaadyaddii ugu danbeeyey.

Heidi Stensmyren oo ah gudoomiyaha ururka shaqaalaha ee dhakhaatiirta ayaa sheegtay in ay ka warhayeen in dhibaatooyinkan jiraan, balse ay aad uga yaabtay tirada makhraatiyadda.

-Xadgudubyadda kuma xidhna xirfadda ee waxa ay a turjumayaan awooda oo aan isku dheelitirnayn. Dhakhaatiir badan ayaa ku jira xaalad aanay ka madaxbanaanayn maamuliintooda. Waxanay la kulmayaan maamuliin joogta heer sare, marka la eego awoodoodda. Kuwan oo ka faa´iidaysanaya awoodooda. Waxa intaas u raaca dhakhaatiirta dumarka ah in xitaa bukaanku ku xadgudbaan.

Dhakhaatiirtan waxa ay fariintooda u direen dhamaan maamulayaasha cisbitaaladda iyo jaamacadaha. Waxaanay dalbanayaan in dumarka laga caawiyo in ay ku dhiiradaan in ay ashkateeyaan cida xadgudubyadan geeysata.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".