Erik Haag och Lotta Lundgren är årets julvärdar i SVT under julafton.
Erik Haag iyo Lotta Lundgren, marti-sooreyaasha sannadka ee ciidda Krismaska ee idaacadda SVT. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Marti sooreyaasha ciidda Krismaska Lotta Lundgren iyo Erik Haag

Dhowaantan ayaa shaaca laga qaaday cidda noqon doonta marti-sooreyaasha ciidda Krismaska (miilaadiga) ee idaacadda la iska daawado ee SVT ee sannadka 2017. Lotta Lundgren iyo Erik Haag.

–Siyaabo kala duwan ayaan ciidda milaadiga aan u soo dhoweeyay, sida ay sheegtay Lotta Lundgren, hase yeeshee uma baahna ciiddani inay noqoto mid ballaaran.

–Marti-sooraha ciidda miilaadiga waxey howl u qabtaan dadyoowga ku keliyeeysta ciidda miilaadiga, sida uu sheegay Erik Haag.

Fannaanadda Sanna Nielsen ayay ahayd marti-soorihii shumaca ka shiday xarunta idaacadda la iska daawado xilligii ciiddii miilaadiga ee sannadkii ina dhaafay.

Muddo 30 sannadood gaarsii-san ayuu kaalintaa hayay ninka lagu magacaabo. Middaasina wax laga badalay sannadkii 2003 oo la go’aansaday in sannad walba lagu marti qaadi kaalintaa cid caan ku ah bulshada Sweden dhexdeeda.

Yaa shumaca shidi doona sannadka?
–Waan waan ayaa ka socota, sida ay sheegtay Lotta Lundgren.
–Qof keliya ayaa shumaca daara. Waxaan rajeeyn inaan middaa la isku qabsan, sida uu sheegay Erik Haag.

Marti-sooreyaashii sannadihii tagey ee idaacadda

1959-1971: Bengt Feldreich
1972-2002 Arne Weise (marka laga reebo 1979, 1988, 1989 och 1990)
2003: Lotta Bromé
2004: Ernst Kirchsteiger
2005: Blossom Tainton
2006: Ingvar Oldsberg
2007: Anne Lundberg
2008: Lasse Kronér
2009: Lisbeth Åkerman
2010: André Pops
2011: Kalle Moraeus
2012: Sarah Dawn Finer
2013: Petra Mede
2014: Henrik Dorsin
2015: Gina Dirawi
2016: Sanna Nielsen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".