4500 arday Iswiidhish ah oo fasalka afraad dhigta ayaa cilmi baadhistan lagu tijaabiyay.
4500 arday Iswiidhish ah oo fasalka afraad dhigta ayaa cilmi baadhistan lagu tijaabiyay. sawir: PONTUS LUNDAHL / TT

Fahan-akhriska ardayda fasallada afaraad ee dalkan oo sareeya

Fahan-akhriska, waxaa af iswiidhishka lagu yidhaahdo läsförståelse ee ardayda dhigata fasallada afraad ayaa kor u kacay sannadihii ugu damebeyay markaa loo barbardhigo waddamada kale ee aduunka.

Cilmi-baadhisda PIRLS lagu magacaabay ayaa sheegaysa in fahan-akhriska ardaydani ku sugan tahay kaalinta afraad marka loo eego 50-ka waddan ee baadhitaankan qaybta ka ah.

4500 oo arday Iswiidhish ah, dhigatana fasallada afraad ayaa cilmi baadhistan lagu tijaabiyay heerka uu fahan-akhriskoodu gaarsiisan yahay. Sido kale ayaa la baadhay qaabka ay macallimiintu wax u baraan iyo maamullada dugsiyadan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".