Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Svensk personal genomför frendly approach mot en fiskebåt under en rutinpatrull utanför Somalias kust.
1 av 2
Ciidammo ku wajahan sidii ey baaris ugu sameeyn lahaayeen markab kalluumeeysi. sawir: Alexander Gustavsson/Försvarsmakten/TT
Medaljceremoni för soldater och officerare från Göteborg som kommer hem från Somalias kust.
2 av 2
Xafladdii bilad-siinta ciidammadii mariineeska ee ka soo howl-galey xeebaha Soomaaliya. sawir: Björn Larsson Rosvall/TT

Ciidankii mariineeska Sweden oo ka soo laabtay xeebta Soomaaliya

Howl-galkii shanaad oo ey qayb ka ahaayeen ciidanka mariineeska Sweden ayaa soo gabagaboobay, iyadoona ciidammadii qeybta ka ahaa dib ugu soo laabteen dalkoodii hooyo.

-Waxaannu qayb ka aheyn ciddammadii ka hor-tagayey bur-cad badeedda, sida uu sheegay Gaashaanle sare Thomas Olsson, oo hoggaaminayay ciidanka.

Ciidanka mariineeska Sweden ee ka howl-galayey xeebaha Soomaaliya oo ka koobnaa 34 ruux oo isugu jira saraakiil iyo askar oo dhammaan ka tirsan ciidammada fadhigoodu yahay Göteborg ee lagu magacaabo –amfibiebevakningsbåtkompaniet, qaybta 17-aad, ayaa lagu soo dhoweeyey farxad iyo billad sharaf-siin. Ciidankan ayaa ka howl-galayay muddo saddex bilood ah xeebaha Soomaaliya iyaga oo ey wada shaqeeynayeen ciidammo ka socda wadanka Nederland. 

Ciidankii shanaad ee ka howl-gala xeebaha Soomaaliya

Ciidammadan ayaa gacan ka geeysanayey sidii ey u ilaalin lahaayeen cunnada taageerada iyo sidii loola socon lahaa ka kaluumeeysiga xeebahaa iyo gaadiidka badda ee nawaaxigaa.

Wixii ka dambeeyay go’aankii hayadda caalamiga ee QM iyo sidii lagu ilaalin lahaa xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed ayey aad hoos ugu dhaceen dhaqdhaqaaqyadii bur-cad badeeddu. Intii lagu guda jirey sannadkan 2017 ayaa xeebaha Soomaaliya lagu soo warramey iney ka dhaceen toddoba fal ee burcad badeed, hase yeeshee ka horreyay muddadii ay ciidanka Sweden ku sugnaayeen goobtaa.

Muddadii saddexda bilood ee ciidanku ka howl-galeyeen xeebaha Soomaaliya ayay ku kacday miisaaniyad gaarsii-san 36 malyan oo koron, hase yeeshee aan weli lagu tala jirn howl-galkii lixaad.

-Ma jirto cid wax naga waydiisay middaa, annaguna isma aanu diiwaan gelin, sida uu sheegay gacan-yaraha dawladda Jan Salestrand, oo goob joog ka ahaa soo dhoweeynta iyo billad siinta ciidammada.  

-Hase yeeshee marna lama xaqiijin karo inaan mustaqbalka howlo la mid ah la qaban doonin, sida uu sheegay.

Howl-galkii ciidammada badda Sweden 

ME 01 - 15 maajo - 15 sep 2009, 152 ruux, HMS Malmö iyo HMS Stockholm, HMS Trossö

ME 02 - 14 abriil - 16 nov 2010, 277 ruux, HMS Carlskorna, laba dayuurradaha qumaatiga u kaca

ME 03 - 6 abriil - 10 maajo 2013, 152 ruux, HMS Carlskorna, laba dayuurradood oo qumaatiga u kaca

ME 04 - 10 feeberaayo - 10 maajo 2015, 77 ruux, laba doonyaha dagaalka iyo laba daruurradood oo qumaatiga u kaxca

ME 05 - 1 sep - 5 diseembar 2017, 35 ruux, laba doonyaha dagaalka

Isha: Wasaaradda difaaca

Weerraradii burcad badeedda ee maraakiibta

2008: 24    weerar

2009: 163  weerar

2010: 174  weerar

2011: 176  weerar

2012: 34    weerar

2013: 7      weerar

2014: 2      weerar

2015: 0      weerar

2016: 1      weerar

2017: 7      weerar

Intaa waxaa dheer qaar la tuhun-san yahay.

Xaqiiqda: eunavfor.eu

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".