Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Cudurka Autism oo dadka qaba ey ku fekeraan iney is dilaan

La daabacay onsdag 6 december 2017 kl 16.01
En deprimerad man torkar tårarna framför ett fönster.
Nin salcaan hayo oo ilmo iska tiraya isaga oo daaqadda taagan. sawir: FREDRIK SANDBERG / TT

Cilmi-baaris ayaa lagu ogaadey in shan jeer in ka badan ey dadyoowga qaba cudurka Autiismadu ku fekeraan iney qudha iska jaraan kolka loo barbar-dhigo bulshada inteeda kale.

Natiijada cilmi-baarista oo aan weli la shaacin ayay ku caddaatay in tobankii ruuxba mid ee qaba cudurka autiismada ee aan maskixiyan ka liidan isku dayo inuu qudha iska jaro, sida uu qoray Dagens Medicin.

Tatja Hirvikoski, ahna caalimad ka howl-gasha machadka Karolinska iyo FoU-chef ee hayad-goboleedka Stockholm ayaa ka dambeeysay cilmi-baaristaan iyada oo la kaashatay asxaabteeda. Waxayna aamin-san tahay in xarumaha xiriirka la leh dadyoowga qaba cudurka autiismada ey arrinkan howlahooda ku darsadaan.

-Waxaa looga baahan yahay hab cayiman oo ey ku howl-galaan goobaha caafimaadka, adeegga bulshada iyo dhammaan goobaha kale ee ku shaqada leh, sida ay sheegtay.

-Waa wax dhib badan in lala noolaado cudurka autiisamka. Bulshadani maahan mid u tureeysa dadyoowga u dhaqama si ka duwan. Way sahlan tahay in bulshada bannaanka looga baxo, hadday noqon lahayd iskuulka iyo suuqa shaqada. Waxaannu og-soonnahey inuu caafimaadkoodu liito in dadyoowga aanay u suurtagelin iney suuqa shaqada soo galaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".