Lagboken, Sveriges Rikes Lag 2013.
1 av 2
Buugga xeerka Sweden 2013. sawir: FREDRIK SANDBERG / TT
ODATERAT Rashid Musa, förbundsordförande Sveriges unga muslimer.
2 av 2
Rashid Musa, guddoomiyaha ururka dhallin-yarada muslimiinta Sweden. sawir: Muslimska familjedagarna

Baaris labaad oo lagu sameeyn doono Sveriges unga muslimer

Hayadda su’aalaha bulshada iyo dhallin-yarada oo agaceeda loo soo gaabiyo (MUCF) ayaan abiil ka qaadan doonin go’aankii maxkamadda maamulka ee la xiriiray edayn uu ka gudbiyay ururka dhallin_yarada muslimiinta- Sveriges unga muslimer (SUM).

Dhanka kale ururka SUM ayaan la siin doonin dhaqaale taageero ee degdeg ah. Iyadoona ay hayaddu marka hore ku talo jirto inay baaris hor leh ku sameeyso.

"Ma jiro dhaqaale la siin doono inta baaristu socotoo", sida uu qoraal mail ah ku muujiyay madaxa laanta saxaafadda Johnny Lindqvist.

Bishii noveembar ee sannadka ayay ahayd kolkii ay maxkamadda maamulku – förvaltningsrätten go’aan ku gaartay in go’aankii hayadda MUCF ee taageerada dhaqaale loogu diiday ururka dhallin-yarada muslimiinta Sweden uu ahaa mid khaldan. Hayadda MUCF ayaa horay u go’aansatay in aaney howlaha ururka SUM ka jawaabeyn xurmada fikirrada dimoqoraadiyadda, hase yeeshee ay maxkamaddu laashay go’aankaa.

Iminka waxaa dib loogu laaban doonaa arrinkaa sida ay maxkammadu go’aamisay. Baaritaanka ayaa la fileyaa in la soo af-jaro xilliga guga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".