Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Carina Wutzler (M) kommunalråd i Vellinge efter onsdagens debatt och ja till införandet av ett lokalt tiggeriförbud.
Carina Wutzler (M) xil-dhibaanad xisbiga M u metesha degmada Vellinge. sawir: Johan Nilsson/TT

Shuruudo lagu soo rogay ajaaniibta ku dhaqan degmada Vellinge

"Waxaan dooneynaa inaannu caddeeyno waajibaadka qofka saaran
2:41 min

Hoggaanka degmada Vellinge ayaa go’aan ku gaaray in dhaqaalaha laga jari karo ajaaniibta aan ka soo bixin shuruudaha qaarkood.

Xubnaha xisbiga Moderaterna ee maamulka degmada oo lahaa soo jeedinta ayaa ku guuleeystay inuu meel mariyo fikirradaa, sida ay sheegtay idaacadda la iska daawado ee SVT Nyheter Skåne.

-Waxaa jira masuuliyad badan oo saaran degmada lagana fileyo inay ka soo dhalaasho, sidaa si la mid ah ayaannu u dooneynaa in aannu caddeeyno waajibaadka shakhsiga saaran iyo sidii uu si firfircoon uga qayb qaadan lahaa howlaha si uu bulshada ula qabsado, sida ay sheegtay Carina Wutzler (M), kana mid ah xil-dhibaannada degmada Vellinge u metela xisbiga Moderaterna.

Shuruudaha is dhex-galka ee go’aanka lagu gaaray ayaa lagu soo koobi karaa: iney ajaaniibta dalka ku cusubi muujiyaan tallaabo iney horay ugu qaadeen barashada luuqadda SFI iyo iney ka qayb qaataan kuna gudbaan culuunta jiheeynta bulshada -samhällsorientering. Intaa waxaa dheer in shakhsiga la saarey shuruudda ah inuu si firfircoon uga qayb qaato howlaha sahlaya sidii lagu geli lahaa suuqa shaqada. Iyadoona la soo rogay shuruud iney dhammaan ajaaniibta dalka ku cusubi ka qayb qaataan haddii uu noqon lahaa waalidka fasaxa ugu jira dhallaankooda iyo kuwooda gaarey da’da howl-gabka. Haddii uu qofku shuruudahaa ka soo bixi waayana in laga goosan karo dhaqaalaha taageerada ee nolol maalmeedka, sida ay sheegtay Carina Wutzler (M).

Waalidka carruurta haya, siduu uga qayb qaadan karaa?

-Waa in xal loo helo. Waxaan ula jeedaa inta badan waalidku waa laba ruux. Waxaa taageero la weeydii-san karaa midka kale kolka uu waalidka midkii aadayo xiisadda barashada hannaanka bulshada iyo sidoo kale in ilmaha loo soo kaxeey-san karo wax-barashada, sida ay sheegtay Carina Wutzler (M), kana mid ah xil-dhibaannada degmada Vellinge u metela xisbiga Moderaterna.

Go’aankan wuxuu degmada ka hir-geli doonaa bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya 2018.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".