Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Khiyaamooyin ayaa laga arkay ardayda dhigta waxbarashada luuqada ee SFI.
Khiyaamooyin ayaa laga arkay ardayda dhigta waxbarashada luuqada ee SFI. sawir: Fredrik Sandberg/TT
Dhegeeyso
(1:24 min)

Imtixaanka waxbarashada SFI oo lagu arkey musuq iyo khiyaamo

La daabacay torsdag 7 december 2017 kl 12.00

Khayaamooyin ayaa laga arkay imtixaanada laga qaado ajaaniibta dhigata waxbarashada luuqada iswiidhishka ee SFI.

Arrinkan ayaa keenay in dhowr arday oo waxbarashadan ka dhigta magaalada Karlskrona lagu celiyay imitixaanadii guud ee barashada luuqadda, waxa af-iswiidhishka lagu yidhaahdo nationella prov.

Imtixaanadan ayaa lagu daabacay bogga shaashada ee Facebook islamarkaasna u furan arday kasta oo doonaya in uu ka qeeyb qaato maclumaadka loo baahan yahay si loogu najaxo.

Gunilla Bergman ayaa ah maamulaha waxbarashadan magaalada Karlskrona. Waxeey sheegtay in ay khatar u aragto in maclumaadkan lagu faafiyay Facebook islamarkaasna aanu ahayn fal ay aqbalayaan.

Sidoo kale waxay sheegtay in ay arkeen dhowr arday oo si isku mid ah uga jawaabay su'aalaha imitixaanadan dabeetana ka shakiyeen in khayaamo ka dambeeyso, madama aaney ahayn macquul in ay jawaabo isku isku mid ah ay wada dhibaan.

Shireen Aldarraji oo  ka soo qaxday dalka Iraaq iyo Amene Mosheni oo asal ahaan ka timid Afqanistaan ayaa ka soo horjeeda khayaamadan.

-Waan ka soo horjeedaa, waxaan aaminsanahay in waxbarashada rasmiga ahi daacadnimo ku dhisan tahay, ayey sheegtay Amene Mosheni.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".