egeringens utredare Petra Lundh överlämnar betänkandet om datalagringsdirektivet till justitieminister Morgan Johansson (bilden) vid en pressträff.
Morgan Johansson (S), wasiirka cadaaladda oo shir jaraa'id qabanaya. sawir: Jessica Gow/TT

In la mamnuuco falka iibsiga galmada ee dalka dibaddiisa lagu galo

Johansson: "wuxuu ahaa ballaan qaad doorasho oo aan hir-gelineyno"
2:11 min

Waxaa tallaabo horay looga sii qaaday qorshihii lagu xaaraantimeeyn lahaa in dalka dibaddiisa lagu galo fal-dembiyeedka ka ganacsiga galmada.

Inkasta oo hayado badan iyo baaristii ay dawladdu qudheedu u saartay arrinkaa ka biyo diideen ayay dawladdu waxay qorshaha mooshinka u gudbisay guddiga talad ee xeerarka - lagrådet.

Wasiirka cadaaladda Morgan Johansson (S) ayaa aamin-san mar uu la hadlayay laanta wararka ee Ekot inuu xeer noocan ahi horseedi karo cabsi gelin.

-In la joojiyo gebi ahaan ka ganacsiga jidhka bani’aadanka. Waxaannu ka hadleeynaa ka ganacsi adoonsi ee dhanka galmada ah. Waa howl muhiimad ballaaran noogu fadhida. Waa ballaan qaad doorasho oo aannu ku doodi jirney xilligii aannu mucaaradka aheyn oo aannu ka mira dhalineyno, sida uu sheegay Morgan Johansson.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in maadaama ay su’aashani muhiimad leedahay ey dawladdiisi halkaa ka sii ambaqaadi doonto xitaa haddii ey jiraan xoogag ka soo hor-jeeda.

-Sideedaba waa khalad in la iibsado galmo oo haddii aad ku tallaabsato aad kaga qayb qaadaneeyso howlaha caalamiga ee ka ganacsiga haweenka iyo dhallaanka, sida uu sheegay Morgan Johansson.

Waxaa sidoo kale la soo jeediyey in la adkeeyo xeerka ciqaabta ee ganacsiga gallmada dhallaanka ee laba sannadood, lana gaarsiiyo afar sannadood oo xarig ah, iyo sidoo kale in ganaaxa kor loo qaado oo la gaarsiiyo xabsi, sida uu sheegay wasiirka cadaaladda Morgan Johansson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".