Kampanjen #metoo på sociala medier där kvinnor delar med sig av erfarenheter av sexuella övergrepp.
Ololaha #Metoo ee la isku dhaafsado aaladaha bulshadu ku kulmaan oo haweenku kaga hadlaan meel kaga dhaca xuquuqdooda. sawir: Claudio Bresciani/TT

Ololaha Metoo oo sabab u noqday kororka dacwadaha faraxumeeynta

Guddiga talada ee ka hor-tagga dembiyada ee magaciisa loo soo gaabiyo Brå (Brottsförebygganderådet) ayaa xaqiijiyay iney aad kor ugu kaceen dacwadaha laga gudbiyo kufsiga iyo fara-xumeeynta wixii ka dambeeyay ololihii loogu magac-darey ”Metoo”, sida ay qortay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado ee SVT Nyheter.

Intii lagu guda jirey bishii noveembar waxaa la gudbiyey dacwado fara-xumeeyn oo hor leh oo gaarsii-san 868, middaasina oo kor u qaadaysa tiradii dacwadahaa 33% kolka loo barbar-dhigo bishii dhiggeeda ee sannadkii 2016, sida tira-koob hor dhac ah ka muuqata.

-Waxaa muuqata kor u kac ballaaran oo uu sabab u yahay ololaha metoo, sida ay sheegtay Lisa Wallin, baare ka howl-gasha Brå oo wareeysi siisay idaacadda SVT.

Ololaha Metoo ayaa dardar galay bartamihii bishii oktoobar 2017.

-Waxaannu og-soonnahey in ciidanka ammaanka loo gudbiyo qiyaastii mid tobankii fal ee fara-xumeeyn ahba. Hase yeeshee laga yaabo in sidii ololuhu u biloowday loo maareeyo falalka fara-xumeeynta si ka duwan oo dad badani dacwad ka gudbiyaan kolka ay la soo gudboonaato, sida ay sheegtay Lisa Wallin oo ka howl-gasha Brå.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".