Anders Ygeman och Urban Ahlin.
Anders Ygeman iyo Urban Ahlin. sawir: Ari Luostarinen/TT och Christine Olsson/TT.

Ygeman: Waa muhiin in laga sal gaaro eedaha ku wajahan afhayeenka Ahlin

Ygeman: "Waa eedeeymo igu cusub"
2:41 min

Guddoomiyaha xil-dhibaannada xisbiga Socialdemokraterna ee baarlamanka, Anders Ygeman, ayaa sheegay inuu doonayo in baaris lagu sameeyo si looga gun gaaro eedeeymaha lagu daabacay war-geeyska DN shalayto ee loo soo jeedineyo af-hayeenka baarlamanka Sweden Urban Ahlin.

Waa eedeeymo culus oo aan la shaacin cidda sheegatay, sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in laga gun gaaro isla-markaana baaris dhab ah ey ka sameeyaan cid ka madax bannaan, sida uu sheegay Anders Ygeman. 

–Waa eedeeymo aniga igu cusub.

Ma kula tahay inay xisbiga ka jiraan hab-hoowleed ey dadka tirsaneyaa si cad oo aan qarsoodi ahayn u sheegan karaan dhibaatooyinka ey ka tabneyaan?

-Waxaannu furnay layman kale oo ey ciddii doonaysaa ku soo war-gelin karto. Kuwaasina oo uu sabab u ahaa ololihii Metoo.

 –Haa, waa sida aan dareen-sanahay. Hase yeeshee waxay middani muujinaysaa iney jiraan dada aan dareenkaa ila qabin.

Anders Ygeman ayaa iminka ku talo jira inuu xisbiyada kale ee baarlamanka xubnaha ku leh kala kaashado sidii looga gun gaari lahaa arrinkan, maadaama uu af-hayeenku matalo baarlamanka oo dhan.

 –Waxaan ku talo jiraa inaan xil-dhibaannada dhiggeeyga ee xisbiyada kale ee xubnaha ku leh baarlamanka aan kala xaajoodo sida ugu wanaag-san ee looga gun gaari karo, sida uu sheegay Anders Yheman, ahna guddoomiyaha xil-dhibaannada xisbiga Socialdemokraterna ee baarlamanka Sweden.

Eedeeymo kala duwan oo aan la shaacin cidda laga galay oo soddomeeyo gaarsii-san laguna soo daabacay war-geeyska DN waxey salka ku hayaan dhibaatooyin laga sheegtay inuu geeystay af-hayeenka baarlamanka Sweden Urban Ahlin. 

 Urban Ahlin ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweeynayo baaris madax-bannaan oo laga sameeyo. Af-hayeenka oo la hadlayay laanta wararka Ekot shalayto ayaa sheegay in aanu isu dareemeeyn eedeeymaha loo soo jeedineyo ee hoggaamintiisa la xiriira, isla markaana uu doonayo inuu baaris madax bannaan u saaro.

 -Waxay sheegeyaan inuu jiro sawir isku mid ah ee laga heeysto hoogaankayga oo liita, mana ahan sawir aan dareen-sanahay ama iska dareemayo. Waa mid aan doonayo inaan ka gun gaaro. Berito ayaan u xil-saari doonaa agaasimaha baarlamanka inuu u saaro baare madax-bannaan ee ka soo war-bixiya xaaladda cimilo-howleed ee baarlamanka iyo hoggaanku siduu u sheqeeyo, sida uu sheegay Ahlin oo u warramayay Ekot.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".